Home DIBADDA Duqeymo Mareykan Ah Oo Burburiyay Xarun Biyo Oo Ku Taalla Iiraan

Duqeymo Mareykan Ah Oo Burburiyay Xarun Biyo Oo Ku Taalla Iiraan

0

Tehran, Iran – Wargeyska The New York Times ayaa sheegay in duqeymo Mareykanku ka fuliyay agagaarka Marinka Hormuz ay burburiyeen xarun lagu keydiyo biyaha oo ku taalla gobolka Hormozgan ee koonfurta Iiraan.

Warbaahinta Iiraan ayaa sheegtay in weerarku uu ku dhacay laba haan oo biyo ah oo ku yaalla degmada Bemani, taasoo sababtay in biyo la’aan ay soo wajahdo in ka badan 20,000 qof.

Sawirro dayax-gacmeed iyo falanqeyn lagu sameeyay haraadiga hubka ayaa la sheegay inay muujinayaan in goobta lagu weeraray bam nooca GBU-39 ah oo uu sameeyo Mareykanka.

Dhanka kale, Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in weerarrada lagu beegsaday bartilmaameedyo militari oo Iiraan leedahay, oo ay ku jiraan nidaamyo isgaarsiineed, difaaca cirka iyo qalabka kormeerka.

Warbixinta ayaa kusoo beegmaysa iyadoo xiisadda u dhexeysa Mareykanka iyo Iiraan ay sii xoogeysaneyso kadib weerarro is daba joog ah oo ay labada dhinac is dhaafsadeen.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version