Home DIBADDA Weeraro Ka Dhacay Suudaan Oo Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac

Weeraro Ka Dhacay Suudaan Oo Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac

0

El-Obeid, Suudaan – Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay,12 kalena ku dhaawacmeen weerarro drone ah oo ay Ciidamada Gurmadka Degdegga ah (RSF) ku qaadeen goobo rayid ah oo ku yaalla magaalada El-Obeid ee gobolka Woqoyga Kordofan, sida ay sheegtay Shabakadda Dhakhaatiirta Suudaan.

Ururka ayaa sheegay in mid ka mid ah weerarrada uu ku dhacay goob lagu aasayay meydad, xilli uu socday aaska meydadka, halka weerar kale uu beegsaday goob shidaal lagu iibiyo, taasoo sababtay dhaawacyo culus.

Sidoo kale, darawal waday gaari siday raashin ayaa lagu dilay weerar ka dhacay deegaanka Jabal Kordofan.

Shabakadda Dhakhaatiirta Suudaan ayaa cambaareysay weerarrada, iyadoo ku tilmaantay xadgudub ka dhan ah shacabka iyo sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada.

Suudaan ayaa dagaal ku jirtay tan iyo bishii Abriil 2023, waxaana colaadda u dhexeysa ciidamada dowladda iyo RSF ay sababtay khasaare baaxad weyn leh iyo barakaca malaayiin qof.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version