Thursday, August 27, 2026

Soomaaliya Oo Calanka Hoos U Dhigtay Geerida Amiirkii Hore Ee Qatar Darteed

Share

Muqdisho, Soomaaliya – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Calanka Soomaaliya hoos u dhigtay sadex maalmood oo ay soconeyso baroordiiqda geerida amiirkii hore ee dalka Qatar Sheikh Hamad Bin Khalifa Al Thani.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku biirtay dalal dhowr ah kuwaas oo dowladda dalka Qatar kaga tacsiyeenaya geerida amiirkii hore ahaana aabaha amiirka hada xilka haya ee Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani.

Sheikh Hamad Bin Khalifa Al Thani ayaa shalay ku geeryooday caasimada Qatar ee Doha isagoo jira da’da 74 sano.

Amiir Sheikh Hamad Bin Khalifa ayaa Amiirnimada kala wareegay Aabihii Khalifa Bin Hamad afgambi aan dhiig ku daadan sanadkii 1995 ta.

Amiir Hamad ayaa soo ahaa boqorka Qatar intii u dhexeesay sanadihii 1995 – 2013 ka markaas oo uu wiilkiisa Tamiim Bin Hamad ku wareejiyay taajka Boqornimada dalka Qatar.

Dhanka kale amiirka Qatar Sheekh Tamim Bin Hamad ayaa qasriga Lusail ku qaabilay dad uga tacsiyeenaya geerida aabihii kuwaa oo isuga jira hogaamiyeyaal iyo madax kasocda gobolka iyo caalamka, sida ay ku warantay wakaaladda wararka Qatar ee QNA masuuliyiin ay kamid yihiin boqorada dalalka Bahrein iyo Kuweit, ra’iisulwasaarayaasha Pakistan iyo Lubnan iyo madaxweynaha Rwanda ayaa gaaray Doha Qatar si ay u gudbiyaan tacsidooda iyadoo lafilayo in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu isna u ambabaxo Qatar si uu uga mid noqdo madaxda dalalka caalamka ee ka tacsiyeenaya geerida amiirkii Hore ee Qatar.

Qatar ayaa ku dhawaaqday afar maalmood oo baroordiiq qaran ah oo loo sameenaayo sheikh Hamad Bin Khalifa  Al Thani.

Read more

Local News