Wednesday, August 26, 2026

Gudoomiyaha Baarlamaanka Iran Oo Booqanaya Iraq Arbacada Barrito Ah

Share

Baghdad, Iraq – Gudoomiyaha baarlamaanka Iran Mohammad Bagher Qalibaf ayaa lagu wadaa inuu booqasho ku tago dalka Iraq Arbacada barrito ah si uu ugala hadlo masuuliyiinta Iraq horumarka gobolka, iyo iskaashiga laba geesoodka ah sida ay ku warantay warbaahinta Iran.

Warbaahinta dowladda Iran ee IRIB ayaa shegtay in wadahadalada gudoomiyaha baarlamaanka Iran ay diiradda saarayaan horumarka gobolka xoojinta iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Baghdad iyo Tehran iyo sahminta tallaabooyin wadajir ah oo gacan ka geysanaya kor u qaadista xasilloonida iyo amniga Galbeedka Aasiya.

Wadahadalada ayaa sidoo kale dabooli doona xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, amniga xuduudaha, La dagaallanka argagixisada, ballaarinta iskaashiga dhaqaalaha, iyo hirgelinta heshiisyada labada dal.

Mohammad Bagher Qilabaf oo ah ergeyga ugu sarreeya Iran ee wadahadallada ay la leedahay Mareykanka, ayaa la filayaa inuu la kulmo mas’uuliyiinta sare ee Iraq iyo dad kale oo sarsare inta lagu jiro booqashada, sida ay sheegtay warbaahinta.

Booqashadan ayaa timid maalmo uun ka dib markii weerar diyaaradeed aan duuliye lahayn ay bartilmaameedsatay hoyga iyo xafiiska gaarka ah ee Masrour Barzani, madaxa Dowladda Gobolka Kurdiyiinta (KRG) ee waqooyiga Iraq. Weerarka ka dib, Baqdaad ayaa weydiisatay Tehran inay caddeyn rasmi ah siiso. Iran ayaa beenisay inay ku lug lahayd weerarka weyna cambaareysay.

Read more

Local News