Wednesday, August 26, 2026

Turkiga Oo Ballanqaaday Inuu Difaacayo Madaxbannaanida Suuriya

Share

Ankara, Turkiga – Turkiga ayaa Khamiistii ballanqaaday inuu difaaci doono madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Suuriya, kadib markii Israa’iil ay duqeyn ku qaaday garoonka diyaaradaha militariga Abu Al-Duhur ee waqooyi-galbeed dalkaasi.

Mas’uul ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga, Zeki Aktürk, ayaa sheegay in weerarka Israa’iil uu khatar ku yahay xasilloonida, amniga iyo midnimada Suuriya, isagoo caddeeyay in Ankara ay sii wadi doonto taageerada ay siiso dowladda Suuriya.

Turkiga ayaa sidoo kale sheegay in aysan jirin wafdi militari oo Turki ah oo ku sugnaa saldhigga xilligii weerarka, wuxuuna ugu baaqay beesha caalamka inay tallaabooyin adag ka qaadaan falalka Israa’iil ee uu sheegay inay khatar ku yihiin nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Wasiirka Gaashaandhigga Israa’iil Israel Katz ayaa dhankiisa ku eedeeyay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan inuu Turkiga u horseedayo waxa uu ku tilmaamay tallaabooyin khatar ah oo ka socda Suuriya, isagoo sheegay in Israa’iil aysan oggolaan doonin cid khatar gelisa amnigeeda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Suuriya Asaad al-Shaibani ayaa sheegay inaysan jirin qorshe lagu dhisayo saldhig militari oo joogto ah oo Turkigu ku yeesho Abu Al-Duhur, isagoo xusay in saldhigga dib loo dayactirayo si ay u isticmaasho ciidamada cirka Suuriya.

Read more

Local News