Home DIBADDA Dagaallo Ka Dhacay Koonfurta Itoobiya Oo Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac

Dagaallo Ka Dhacay Koonfurta Itoobiya Oo Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac

0
3

Addis Ababa, Ethiopia – Dagaallo u dhexeeya bulshooyinka Soomaalida iyo Oromada ee koonfurta Itoobiya ayaa sababay in ka badan 2,000 oo qof ay u qaxaan dalka Kenya, iyadoo la soo sheegay dhimashada ugu yaraan sagaal qof iyo dhaawaca tobannaan kale.

Guddoomiyaha gobolka Marsabit ee Kenya, Stanley Kamande, ayaa sheegay in kumannaan Itoobiyaan ah ay u gudbeen magaalada Moyale ee Kenya, kaddib markii dagaallo hubaysan ay Arbacadii ka qarxeen dhinaca Itoobiya ee xadka labada dal.

Wararka laga helayo Itoobiya ayaa sheegaya in ugu yaraan sagaal qof ay dhinteen, tobannaan kalena ay dhaawacmeen, inkastoo aan si madax-bannaan loo xaqiijin khasaaraha. Rabshadaha ayaa la xiriira xiisad ka dhalatay calanka Dowlad-Deegaanka Soomaalida oo laga taagay dhul ay maamusho gobolka Oromia.

Haweeney ku sugnayd magaalada Moyale ee Kenya ayaa sidoo kale la sheegay inay ku dhaawacantay xabbad laga soo riday dhinaca xadka ee Itoobiya, waxaana la gaarsiiyay daryeel caafimaad. Laanqayrta Cas ee Kenya ayaa sheegtay inay gargaar degdeg ah u fidinayso dadka barakacay, iyadoo qorshuhu yahay in la caawiyo 1,000 qoys oo la siinayo hoy ku-meel-gaar ah, cunto, biyo nadiif ah iyo agab kale oo daruuri ah.

Magaalada Moyale oo ah marin muhiim ah oo ay isaga gudbaan labada dal ayaa qiyaastii 780 kiiloomitir waqooyi ka xigta Nairobi, caasimadda Kenya, halka ay 775 kiiloomitir koonfur ka xigto Addis Ababa. Rabshadaha ayaa laga cabsi qabaa inay sababaan barakac hor leh iyo hakad ku yimaada ganacsiga labada dal isaga gudba.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here