Thursday, November 5, 2026

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Xilka Ka Qaaday Gudoomiyaha Maxkamadda Sarre Ee Dalka

Share

Muqdisho, Soomaaliya – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xil ka qaadis ku sameeyay gudoomiyihii maxkamadda sarre ee dalka Baashe Yuusuf Axmed isagoo u magacaabay Ibraahim Iidle Suleymaan.

Gudoomiyaha xilka laga qaaday ee Baashe Yuusuf Axmed ayaa hayay xilkan tan iyo 27 ka May 2018 kii markaasoo uu xilka kala wareegay isla gudoomiyaha uu caawa magacaabay madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud.

Gudoomiyaha la magacaabay Ibaahim Iidle Suleymaan ayaa horay u soo qabtay xilka caawa uu markale u magacaabay madaxweynaha Soomaaliya 10 ka May 2016 oo haatan laga joogo muddo 10 sano ah, Ibraahim Iidle ayaa ka hor magacaabistiisa caawa ahaa la taliyaha sharciga ee madaxweynaha kaasoo uu madaxweynuhu u magacaabau 27 ka May oo ku beegneyd 12 maalmood kadib doorashadii uu ku noqday madaxweynaha.

Magacaabista gudoomiyaha cusub ee Maxkamadda ayaa ku soo beegmeysa xilli ay jiraan warar sheegaya in madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed maxkamadda uga furan tahay dacwad ka dhan ah dasruurka cusub ee ay dowlaadu meel marisay horaantii sanadkan gabagabada ku dhow.

Baashe Yuusuf oo laga qaaday gudoomiyaha Maxkamadda Sarre ayaa lagu xasuusan doonaa mudadii uu xafiiska joogay laalida kursigii xildhibaan ee agaasimihii hore ee hay’adda Nabadsugida Fahad Yaasiin Xaaji Daahir 19 ka April 2022 ka iyo sidoo kale doorashadii isku sidkaneyd ee ka qabsoontay dowlad goboleedka Galmudug 30 ka July ee sanadkan oo Maxkamadda Sarre laashay 24 ka August kadib markii ay dacwad ka dhan ah hanaanka doorashada gudbiyeen urur siyaasadeedka Towfiiq oo kamid ahaa ururadii u tartamay kuraasta Golaha Wakiiladda iyo Golaha Deegaanka Galmudug oo saluugay natiijada doorashada.

Read more

Local News