Wednesday, November 4, 2026

Wasiirka Gaadiidka Spain Oo Iscasilay Kadib Shil Tareen Oo Sababay Geerida 69 Ruux

Share

Madrid, Spain — Wasiirka gaadiidka Spain Oscar Puente ayaa iska casilay xilkii uu kahayay dalkaas kadib markii muddo isbuuc gudihiis ah uu dalka Spain ka dhacay shilkii tareen ee ugu dhimashada badnaa taariikhda isagoo sidoo kale dib uga noqday doorashooyinka guud ee soo socda.

Wasiirka ayaa Talaadadii shalay sheegay inuu go’aansaday inuu si deg deg ah isku casilo kadib shilka isbuucii hore, hase yeeshee wasiirka ayaa xilka sii hayay intii ay dawladdu isku dubbaridayneysay tallaabooyinkii ugu horreeyay ee wax looga qabanayay xaaladda. Shilkan, oo ah shilkii tareen ee labaad ee ugu weynaa Spain muddo ka yar sannad gudihiis, ayaa sababay dhimashada 69 qof oo ku sugnaa gobolka Castilla-La Mancha ee bartamaha dalka Spain.

Wasiir Oscar Puente oo ka hadlaya iscasilaadiisa ayaa yiri, “Wasiirka gaadiidka ee waddan sida Spain oo kale ah ma sii joogi karo xilka haddii ay dhacaan laba shil oo heerkan oo kale ah muddo ka yar hal sano gudahood,”, isagoo sidoo kale tixraacaya shil tareen xawaare sare ku socday oo bishii January ka dhacay gobolka Andalusia, kaas oo ay ku dhinteen 46 qof.

Dadka dhibaatadu soo gaartay iyo qoysaskooda ayaa heli doona magdhow ka dhashay shilkii dhacay, iyadoo qayb ka ah xirmo gargaar oo dhan 30 milyan oo Yuuro (33.5 milyan oo Doollar) oo uu ku dhawaaqay ra’iisul wasaare Pedro Sanchez.

Qoysaska ay dadkoodu ku dhinteen shilka ayaa heli doona 72,121 Yuuro (80,776 Doollar) oo ah gargaar toos ah, iyo lacag la mid ah oo loo bixinayo horudhac ahaan magdhowga.

Read more

Local News