Baraawe, Somalia – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho ku tagay duleedka magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo uu kula kulmay cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda ee halkaasi ku sugan.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda ciidamada, waajibaadka horyaalla iyo dadaallada lagu xaqiijinayo amniga deegaannada Koonfur Galbeed. Taliyaha ayaa sidoo kale dhageystay warbixinno ku saabsan howlaha ay ciidamada ka wadaan aagga Baraawe.
Intii uu la hadlayay ciidamada, Taliyaha ayaa ku adkeeyay inay muujiyaan feejignaan iyo isku-duubni, isla markaana ay si wanaagsan u gutaan mas’uuliyadda ka saaran ilaalinta shacabka iyo difaaca dalka.
Wuxuu sidoo kale ciidamada ku boorriyay inay sii xoojiyaan dadaallada amni, ayna ka shaqeeyaan sidii looga hortagi lahaa falalka amni-darrada ee khatarta ku ah xasilloonida deegaannada ay ku sugan yihiin.
Booqashadan ayaa qeyb ka ah kulamada iyo kormeerrada ay hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka kula socdaan xaaladda ciidamada ku sugan furimaha iyo deegaannada kala duwan ee dalka, iyadoo ujeeddadu tahay qiimeynta baahiyahooda iyo dardargelinta waajibaadkooda shaqo.
