Monday, November 9, 2026

Soomaaliya Oo Daahfurtay Qaamuuska Luuqadda Suuldhabaaleynta Soomaaliyeed

Share

Mogadisho, Somalia – Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku daahfurtay Qaamuuska Luuqadda Suuldhabaaleynta Soomaaliyeed (Somali Sign Language Dictionary), kaas oo noqonaya qaamuuskii ugu horreeyey ee noociisa ah ee dalka laga hirgeliyo.

Munaasabadda daahfurka ayaa waxaa ka qeybgalay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Waxbarashada, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, iyo Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, iyo wakiillo ka socday qeybaha kala duwan ee bulshada.

Sidoo kale, munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan bulshada maqalka naafada ka ah, kuwaas oo si gaar ah uga faa’iideysan doona qaamuuskan oo loogu talagalay in lagu horumariyo isgaarsiinta iyo fahamka luuqadda suuldhabaaleynta.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa bogaadiyey dadaalka Wasaaradda Waxbarashada ee horumarinta luuqaddan, isaga oo ku baaqay in la ballaariyo adeegsigeeda, lana abuuro fursado shaqo oo loo siman yahay, gaar ahaan dadka maqalka naafada ka ah.

Dhankiisa, Wasiirka Waxbarashada, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa sheegay in Wasaaraddu mudnaan siin doonto tababarka macallimiinta iyo baahinta luuqadda suuldhabaaleynta Soomaaliyeed, si loo xoojiyo waxbarashada loo dhan yahay, loona xaqiijiyo in dadka maqalka naafada ka ah ay helaan fursado waxbarasho oo tayo leh.

Read more

Local News