Antalya, Turkey – Ku dhawaad 200 dal ayaa maanta oo Isniin ah isugu imaanaya magaalada Antalya ee dalka Turkiga, halkaas oo uu ka furmayo shirka Qaramada Midoobay ee isbeddelka cimilada COP31, kaas oo socon doona muddo laba toddobaad ah. Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka ka qaybgalaya shirka, iyadoo wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dalka ku matalayo kulamada.
Wafdiga Soomaaliya waxaa sidoo kale ka mid ah Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka, Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Bashiir Maxamed Jaamac, iyo mas’uuliyiin kale oo dowladda ka tirsan. Soomaaliya ayaa sidoo kale yeelanaysa goob u gaar ah oo ay ku soo bandhigto mudnaanta iyo dadaallada dalka ee la xiriira ilaalinta deegaanka iyo la tacaalidda isbeddelka cimilada.
Shirka sanadkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay dunidu wajahayo caqabado la xiriira amniga tamarta, dagaalka Iiraan iyo saameynta uu ku yeeshay sahayda shidaalka, iyo kororka baahida korontada ee ay dhalisay horumarka degdegga ah ee tiknoolajiyadda sirdoonka macmalka ah (AI). Arrimahan ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo sii socoshada ku tiirsanaanta shidaalka iyo dhuxusha.
Martigeliyaha shirka, Turkiga, ayaa dalalka ka qeybgalaya ka codsanaya inay taageeraan qorshe lagu kordhinayo isticmaalka korontada, si loo gaaro in ka badan saddex-meelood meel dhaqaalaha caalamka uu ku shaqeeyo koronto marka la gaaro sannadka 2035. Hase yeeshee, waxaa jira kala aragti duwanaansho ku saabsan in korontadaas laga soo saaro ilo tamar nadiif ah iyo in kale, iyadoo dalal iyo ururro dhowr ah ay ku baaqayaan qorshe cad oo looga guurayo shidaalka iyo gaaska.
Shirka COP31 ayaa sidoo kale diiradda lagu saari doonaa dardargelinta tallaabooyinka lagula tacaalayo kulaylka caalamiga ah, iyadoo Qaramada Midoobay ay sheegtay in dunidu ay halis ugu jirto inay dhaafto xadka 1.5 darajo Celsius ee kororka heerkulka adduunka. Soomaaliya, oo ka mid ah dalalka ay saameeyaan abaaraha, fatahaadaha iyo masiibooyinka la xiriira cimilada, ayaa fursad u heli doonta inay shirka ku soo bandhigto caqabadaha deegaanka ee dalka iyo baahida loo qabo taageero caalami ah.

