Paris, France – Xulufada ku mideysan ururka G7 oo uu shir heer wasiir arrima dibadeed ah uga socdo caasimadda Paris ee dalka Faransiiska ayaa baadi goobaya cadeynta Mareykanka ee dadaalada nabada Ukraine iyo khataraha kasoo cusboonaaday dagaalka lagula jiro Iran.
Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Marco Rubio oo xaadiray markiisii ugu horeesay shirkan socday labadii maalmood ee lasoo dhaafay tan iyo markii xisbiga Jamhuuriga Mareykanka ee u uku jiro Donald Trump lakulmay guul darro baahsan doorashooyinkii xilliga dhexe ee todobaadkii hore ka dhacay guud ahaan Mareykanka ayaa sheegay in natiijooyinka doorashadu marnaba badaleyn siyaasada arrimaha dibadda maamulka madaxweyne Trump.
Hadalka Marco Rubio ayaa ku soo beegmaya xilli wadahadalo Mareykanku garwadeen ka yahay oo u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine ay kasocdaan caasimadda Imaaraadka Carabta ee Abu Dhabi, iyadoo dhanka kale wasiirka arrimaha dibadda Ukraine Andrii Sybiha uu kusugan yahay shirka wasiiradda arrimaha dibadda wadamadda G7 ee kasoconaya Paris isagoo kaqeybgalaya doodaha ku aadan taageero milatari iyo mid maaliyadeed oo loo fidiyo Ukraine.
Ajendaha shirka wadamada ku bahoobay G7 ayaa waxaa sidoo kale kamid ah xaalada dalka Sudan, Sahayda tamarta adduunka, Amniga dekaddaha ee ka dhanka ah ka ganacsiga daroogada, gaarsiinta cuntada bani’aadamnimada iyo ilaalinta sirdoonka macmalka ah.
Wadamadda ku bahoobay G7 ayaa kala ah,:Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Talayaaniga, Kanada, Jarmalka iyo Japan.

