Monday, November 16, 2026

Cali Jeyte oo farriin u diray Ugaaska Xawaadle, kana hadlay xiisadda Beledweyne

Share

Baladweyne (Arlaadi) – Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan cali Jeyte Cisman oo maalmihi lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiran ayaa, dhaleeceyn culus ujeediyay, rag uu sheegay in ay ugaaska beesha Xawaadle hoosta uga jiraan, taas oo uu ku tilmaamay in ay dano gaar ah ka leeyihiin xiisada ka taagan magaalada Beledweyne.

Sidoo kale, Cali Jeyte ayaa sheegay in labl shaqsi ay ku hareeraysan yihiin Ugaaska, isla markaana ay doonayaan inay arrimaha bulshada u adeegsadaan dano gaar ah.

“Mas laba carable ah oo meyti wato ayaa Ugaaska ku duuduuban, waxa uu raadinayo waa dan u gaar ah. Waa dhab, way jirtaa tabashada dadkeenna, waana diyaar inaan xal u raadino,” ayuu yiri Cali Jeyte.

Dhanka kale, Cali Jeyte ayaa fariin toos oo uu udiray ugaaska beesha Xawaadle, ugu baaqay in ugaaska uu sameeyo xaqsoor loowada simayahay, isla markaana uu ugaaska ka fogaado, arrimaha laga damacsanyahay danaha gaarka.

“Ugaasoow, caddaalad ayaa faracaaga lagu yaqaanay, ma aqbaleyno in maalin walba shaar loo soo gashado ummadda, Ninka kula jooga qaraabo hoose ayaan nahay, bannaanka soo dhig,” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyay Cali Jeyte Cismaan.

Cali Jeyte ayaa sheegay, caqabadaha iyo tabashooyinka kajira Hiiran, ay yihiin kuwo ubaahan in xal looga gaaro siwada jir ah.

Ugudambeyntii, Hadalka Cali Jeyte ayaa kusoo beegmaya xili shalay magaalada Beledweyne ay ka dheceen dibadbaxyo ay dhigayeen dadka deegaan, kuwaas oo muujinayay tabashooyinka ay ka qabaan iyo hannaanka uu ku yimid madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Read more

Local News