Shenzhen, China – Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa la filayaa in Khamiista todobaadkan kula kulmo magaaladda Shenzhen ee dhacda Koonfur Bari dalka Shiinaha madaxweynayaasha dalalka Ruushka iyo Mareykanka Vladamir Putin iyo Donald Trump.
Wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ayaa xaqiijisay in madaxweynaha Shiinaha uu qaban doono shir saddex geesood ah kaas oo u dhexeeya dhigiisa dalalka Ruushka iyo Mareykanka.
Xi, Putin iyo Trump ayaa ku kulmi doona magaaladda Shenzhen iyagoo qeyb ka ah shirka 33-aad ee Iskaashiga Dhaqaalaha Aasiya iyo Baasifigga ee loo yaqaano (APEC) sida uu sheegay afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha.
Wasaaraddu arrimaha dibadda Shiinaha Ayaan si degdeg ah u shaacin arrimaha ay hoggaamiyeyaasha saddexda ah ka wada hadli doonaan.
Afhayeenka Kremlin-ka Ruusha, Dmitry Peskov, ayaa Sabtidii xaqiijiyay in shir madaxeedka saddex-geesoodka ah uu dhici doono maalinta Khamiista.
Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa geestiisa Jimcihii xaqiijiyay kulanka sadexda hogaamiye.
Xi Jinping ayaa caasimadda Shiinaha ee Beijing ku qaabilay dhigiisa Ruushka iyo Mareykanka Bishii May ee sanadkaan iyagoo todobaadyo is xigay ay booqdeen Trump iyo Putin halka uu isagu bishii September booqday Washington halkaas oo uu Donald Trump ugu sameeyay soo dhaweyn shakhsi ah.
Shirka APEC ee ay isku arkayaan hogaamiyayaasha wadamadan ayaa la filayaa inuu qabsoomo inta u dhexeysa 18 ilaa 19 ka November.

