Wednesday, August 26, 2026

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Oo Laga Celiyay Magaaladda Baydhabo

Share

Baydhabo – Gudoomiye Aadan Madoobe ayaa ku wajahan Baydhaba kadib kulan xasaasi ah oo asiga iyo madaxweyne xasan sheikh maxamud ku dhexmaray “villa soomaaliya” .

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Lafta Gareen ayaa helay xogta kulanka dhexmaray Aadan Madoobe iyo xasan sheikh maxamud iyo go’aanka ay halkaasi gaareen, Lafta gareen ayaa go’aansady in oo gabi ahaan ba mamnuuco diyaaradaha imaanaya magaalada baydhabo ee xurunta dowlad gobaleedka Koonfur galbeed.

Waraaq ka soo baxday wasaarada gaadiidka iyo duulista hawada ee Koonfur galbeed yaa gabi ahaan duulimaadyada ka imaanaya Muqdisho looga mamnuucay taas oo ah qorsho laga lee yahay in Aadan Madoobe uusan kasoo dagin garoonka diyaaradaha Baydhabo.

Xaalka ayaa hada u muuqda in baydhabo isku wajahyaan gudoomiye Aadan Madoobe, gudoomiyaha golaha shacabka iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen.

Read more

Local News