Wednesday, August 26, 2026

Cabduqaadir Maxmed Nuur Oo Loo Doortay Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka

Share

Muqdisho – Xildhibaan Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa si rasmi ah loogu doortay gudoomiyaha baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya kadib doorasho ka dhacday xarunta gudiyada iyo gudoonka Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa.

Doorashada oo aheyd mid ay ku tartamayeen laba murasahax oo kala ah xildhibaan Cabduqaadir Cumar Macalin Daada iyo iyo xildhibaan Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa sidan hoos ku xusan u kala helay codadka xildhibaanadii soo xaadiray fadhigii maanta lagu dooranayay gudoomiyaha Golaha Shacabka ee 174 ka xubnood ahaa.

Cabduqaadir Cumar Macalin ayaa helay 30 cod, Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac 142 cod halka laba cod ay khasaareen sida ay ku dhawaaqday gudoomiyaha kumeel gaarka ah ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin.

Doorashada xildhibaan Cabduqaadir Maxamed Nuur loogu doortay gudoomiyaha baarlamaanka ayaa aheyd mid si weyn loo sii saadaalinayay iyadoo dhanka kale masuuliyiinta ugu sareysa dowladda federaalka Soomaaliya ay u hambalyeeyeen.

Madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo masuuliyiin kala gadisan ayaa hambalyo u diray gudoomiyaha la doortay ee Golaha Shacabka.

Gudoomiyaha cusub ayaa lawareegi doona hogaaminta golaha Shacabka sanadka shanaad ee muddo xileedka xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha la doortay Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa horay u soo qabtay xilal dowladeed oo ay ka id yihiin Wasiirka Gaashaadhiga, wasiirka Cadaaladda iyo wasiirka wasaaradda Dakadaha iyo Gaadiidka Badda oo uu hadda hayay.

Gudoomiye Jaamac oo guushiisa ka dib jeediyay hadal jeedin kooban ayaa sheegay inuu si rasmi ah uga tagay xil kasta oo uu ka hayay xukuumadda iyo urur siyaasadeedka JSP sida uu dhigayo dastuurka Jamhuuriyadda iyo cutubka 13 aad faqradiisa 9 aad ee xeer hoosaadka golaha. Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ay filanayaan Jaamac cusub oo aan Soomaalinimo ka sukeyn, qofna aan kula jirin dagaal siyaasadeed, afhayeen iyo qareen u‘ah qofkasta oo Soomaaliyeed.

Inkastoo ay qabsoontay doorashada Gudoomiyaha hadana waxaan meesha ka marnayn gadoodka xildhibaanada qaar kuwaas oo diidan sharciyadda baarlamaanka iyagoo sameystay gole ay ula baxeen Baarlamaanka Xorta ah, waxaa sidoo kale shalay shir ay yeesheen ku qaadacay Golaha Mustaqbalka oo iyaguna ku tilmaamay doorashadan mid aan sharci aheyn.

Read more

Local News