Wednesday, August 26, 2026

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Gaaray Magaaladda Gaalkacyo

Share

Gaalkacyo, Soomaaliya – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug booqasho qeyb ka aheyd safar uu ku marayay qaar ka tirsan deegaanadda Galmudug.

Madaxweynaha oo uu wehliyo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa galabta gaaray magaaladda Gaalkacyo iyadoo halkaas loogu sameeyay soo dhaweyn balaaran.

Madaxweynaha ayaa kumanaan shacab ah kula hadlay Garoonka Cabdullaahi Ciise ee magaaladda isagoo halkaas ka jeediyay hadal kooban oo diiradda saarayay nabada iyo wadanoolaanshaha iyo in Soomaaliya leedahay hal cadow oo loo baahanyahay in la iska kaashado sidii loo ciribtiri lahaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo waftigiisa oo saaka kasoo ambabaxay magaaladda Cadaado ayaa ka hor inta aanay soo gaarin Gaalkacyo ku hakaday degmooyinka Bandiiradley iyo Galinsoor ee Gobolka Mudug, iyadoo dhanka kale lafilayo in uu caawa madaxweynuhu ku hoydo Gaalkacyo.

Maamul goboleedka Puntland ayaa horay digniin uga soo saaray booqashada madaxweynaha Soomaaliya ee Gaalkacyo iyagoo sheegay inuu ku howlanyahay abaabulka guluf colaadeed ka dhan ah Puntland.

Madaxweynaha Puntland oo kusugnaa Waqooyiga magaaladda Gaalkacyo todobaadkii hore ayaa isaga laabtay kahor imaansha madaxweynaha Soomaaliya ee magaaladda.

Read more

Local News