Seoul, South Korea – Wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha ayaa booqasho ku tagaya Koonfurta Kuuriya todobaadkan, booqashadan oo la filayo in diiradda lagu saaro xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Shiinaha iyo Koonfurta Kuuriya sida ay ku warameen warbaahinada gudaha oo soo xiganaya wasaaradda arrimaha dibadda Koonfurta Kuuriya.
Wasiirka arrimaha Shiinaha Ambassador Wang Yi ayaa booqashadiisa oo ka bilaabaneysa maalinka barrito ah lafilayaa inuu wadahadalo la yeesho dhigiisa Kuuriyadda Koonfureed ambassador Cho Hyun, isagoo sidoo kalana lakulmi doona madaxweynaha Koonfurta Kuuriya Lee Jae Myung.
Wasiiradda arrimaha dibadda dalalka Shiinaha iyo Koonfurta Kuuriya ayaa lafilayaa inay wadahadalo ka yeeshaan xiriirka labada dal, arrimaha caalamiga ah iyo arrimaha khuseeya Gacanka Kuuriya, labadan wasiir ayaa markoodii ugu horeesay kulmaya muddo 11 bilood ah kadib markaasoo wasiirka arrimaha dibadda Koonfurta Kuuriya uu booqday caasimadda Shiinaha ee Beijing bishii September ee sanadkii hore.
Booqashada wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha ee Koonfurta Kuuriya ayaa dhanka kale ah safarkii ugu horeeyay ee laba geesood ah ee uu ku tago dalkaas tan iyo 2021ka, inkastoo uu booqday 2023kii isagoo ka qeyb galayay kulan saddex geesood ah.
Booqashada Wang ayaa timid xilli dib loo cusbooneysiiyay xiriirka diblomaasiyadeed oo u dhexeeya Seoul iyo Beijing.
Madaxweynaha Koonfurta Kuuriya Lee Jae Myung ayaa booqday Shiinaha bishii January ee sanadkaan halka madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping uu isna booqday Kuuriyada Koonfureed bishii October ee sannadkii hore isagoo ka qayb galayay Shirka Hoggaamiyeyaasha Dhaqaalaha ee APEC ee Gyeongju.
Beijing Ayaan wali si rasmi ah u shaacin booqashada wasiirkeeda arrimaha dibadda Wang Yi ee Kuuriyada Koonfureed.

