Wednesday, August 26, 2026

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Oo Wadahadal Taleefan La Yeeshay Dhigiisa Syria Iyo Qatar

Share

Ankara, Turkey – Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa wadahadal gaar gaar ah oo dhanka taleefanka ah la yeeshay dhigiisa dalalka Syria iyo Qatar Asaad Hassan al-Shaibani iyo Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani oo sidoo kale ah ra’iisul wasaaraha Qatar.

Hakan Fidan ayaa dhigiisa dalka Qatar Sheikh Mohamed kala hadlay xaaladda marinka Hormuz, halka horumaradii u danbeeyay ee gobolka lagu falanqeeyay wadahadalkii uu la yeeshay dhigiisa Syria Asaad Al Shaibani, iyadoo dhanka kale aan faahfaahin intaa dheer aan laga bixin wadahadalka uu wasiirka arrimaha dibadda Turkigu layeeshay dhigiisa wasiiradda arrimaha dibadda Syria iyo Qatar.

Geesta kale wadahadalka dhanka taleefanka ah ee dhexmaray wasiiradda arrimaha dibadda Turkiga iyo Syria ayaa imaanaya iyadoo ay Israel weerartay saldhig ciidanka Cirka Syria ku leeyihiin baadiyaha gobolka kuyaala Waqooyi Galbeed Syria ee Idlib kaas oo lagu magacaabo Abu Duhur. Aroornimadii hore ee Talaadada maanta ah saacado kadib markii wafti milatari Turki ah booqdeen goobta si loogu diyaar garoobo bilaabida dayactirka dhabaha diyaaraduhu ku ordaan, weerar u muuqday in fariin loogu dirayo Ankara kaas oo ku aadan doorkeeda dib u dhiska awoodda milatariga Syria.

Weerakan ayaa noqday kii ugu horeeyay ee ka dhaca Syria tan iyo markii uu meesha ka baxay nidaamkii madaxweyne Bashar Al Asad iyo sidoo kale duqeyntii cirka ee ugu horeesay tan iyo bishii March ay Israel ka geysato Syria.

Wasiirka arrimaha dibadda Syria Asaad Al Shaibani ayaa cambaareeyay weerarka Israel ku qaaday dalkiisa isagoo ku tilmaamay mid gardarro ah oo aan xaq aheyn.

Read more

Local News