Muqdisho, Soomaaliya –Â Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa xilkii wasaaradda Gaashaandhigga uu ka hayay ka qaaday wasiir Axmed Macalin Fiqi, isagoo u magacaabay xildhibaan Saadaq Cumar Xasan (John).
Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa loo magacaabay wasaaradan bishii April ee sanadkii hore ka markaas oo laga qaaday wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya, wasiirka ayaa soo dhaweeyay magacaabista uu sameeyay ra’iisul wasaaraha isagoo ilaahay uga baryayay inuu u fududeeyo xilka loo magacaabay.
Xil ka qaadista wsaiir Fiqi ayaa timid kagadaal markii uu saameeyay nidaamka awood qeybsiga Galmudug halkaas oo ay heyb wadaag ku yihiin hogaamiyaha dhawaan loo doortay dowlad goboleedka Galmudug ee Liibaan Axmed Xasan.
Axmed Macalin Fiqi ayaa tan iyo intii ay jirtay xukuumadda ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre isaga gudbay saddex wasaaradood oo kala ah wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta oo loo magacaabay bishii August 2022 ka, wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah oo loo magacaabay bishii April sanadkii 2024 ka iyo wasaaradda maanta laga qaaday ee Gaashaandhigga oo iyana loo magacaabay April sanadkii tagay ee 2025 ka.
Wasiirka ayaa mudooyinkan dambe caan ku ahaa difaaca xukuumadda talada dalka haysa ee uu hogaamiyo Xamse Cabdi Barre iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo waxyar kahor xilka qaadistiisa qabtay shir jaraa’id oo uu kaga hadlayo howlgalo ay fuliyeen ciidamadda dowladda sidoo kalana weeraray mucaaradka kasoo horjeeda dowladda.

