MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxwayneihii hore Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo dalka kusoo laabtey todobaadkii hore, ayaa maalmihii lasoo dhaafay la kulmay dhinacyo kala duwan.
Shariif ayaa waxa uu la kulmay madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud, guddoomiye Aadan Madoobe iyo siyaasiyiin kale oo Xildhibaano iyo wasiiro ay ku jiraan.
Kulamadan ayaa diiradda lagu saarey xaaladda dalka iyo sidii xal waara loogu heli lahaa caqabadaha siyaasadeed ee soo wajahay geedi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya.
Xogta ayaa intaas ku daraysa in kulanka Shariif iyo Xasan Sheekh la iskula soo qaadey dagaalka Al-Shabaab iyo isbedelka hogaanka ciidamadda qaranka.
Sidoo kale, kulanka Shariif iyo Aadan Madoobe ayaa la wariyey in isku-dhaaf-sadey aragtiyo ku aadan xaaladaha kasoo cusboonaadey Koonfur Galbeed gaar ahaan qaboojinta colaadda magaalada Baraawe.
Sikastaba ha ahaatee, Soomaaliya ayaa haatan waxay wajahaysaa caqabado dhanka ammaanka iyo dowladnimada ah kuwaas oo kaliya xal loogu heli karo wadahadal.
