BELEDWAYNE, HirShabelle – Ciidamo taabacsan guddoomiyihii xilka laga qaadey ee gobolka Hiiraan, Cali Jayte Cusmaan, ayaa la wareegay garoonka diyaaradaha magaaladda Beledwayne.
Askartan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa waxay gooyeen albaabada laga galo madaarka gaar ahaan midka ay maamulaan ciidamadda Midowga Afrika ee ATMIS.
Talaabadan ayaa ka dambeysay markii madaxwayne ku xigeenka HirShabelle, Yuusuf Hagar Dabageed uu la kulmay odayaal uu kala hadlay masiirka Cali Jayte.
Jayte ayaa dhowaan waxa uu diidey in uu wareejiyo xilka uu ka qaadey madaxwayne Cali Guudlaawe Xuseen, isaga oo ku goodiyey in uu dhisayo “Hiiraan State”.
HirShabelle gaar ahaan gobolka Hiiraan ayaa u muuqda mid galaya xasarad siyaasadeed taas oo saameyn ku yeelan karta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
