Home Federaalka Meydka guddoomiyihii la dilay ee Wanlaweyn oo laga qaadayo Muqdisho

Meydka guddoomiyihii la dilay ee Wanlaweyn oo laga qaadayo Muqdisho

0

MUQDISHO, Soomaaliya – Meydka alle ha u naxariistee, guddoomiye ku xigeenkii arrimaha bulshadda degmada Wanlaweyn ayaa lagu waddaa in maanta laga duuliyo caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Marxuum Haashim Maxamed Shareero ayaa meydkiisa waxaa dib loogu celinayaa magaalada Wanlweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose halkaas oo lagu aasi doono.

Arlaadi Media ayaa ogaatay in Laanta Dambi-baarista Soomaaliya ay xaqiijisay cidda dishay marxuumka isla markaana laamaha ammaanka la faray in ay soo xiraan.

Illo wareedyo ayaa waxay intaas ku dareen in dilkan lagu tuhmayo xubno ka kala tirsan maleyshiyo beeledyo iyo ciidamadda Soomaaliya.

Maamulka degmada Wanlaweyn ayaa horey waxay u sheegeen in ay ka go’an tahay sidii ay cadaalad ugu raadin lahaayeen marxuumka iyo qoyskiisa ayna dadaal gelin doonan arrintaas.

 

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version