Home Federaalka Ciidamo iska-soo-horjeeda oo xirtey jidadka magaalada Garowe

Ciidamo iska-soo-horjeeda oo xirtey jidadka magaalada Garowe

0

GAROWE, Puntland – Dhaqdhaqaaqyada ciidan ee iska soo horjeeda ee ka taagan magaalada Garowe ayaa sii xoogeysanaya iyadda oo laga cabsi qabo isku-dhac hubeysan.

Askartan oo kala taabacsan xukuumadda madaxwayne Deni iyo mucaaradkiisa ayaa kala xirtey waddooyinka muhiimka ah ee caasimadda Puntland.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamadda mucaaradka ay hareeyeen xarunta baarlamaanka Puntland halkaas oo lagu waddo in uu maanta ka qabsoomo fadhi baarlamaan.

Ajandaha baarlamaanka ayaa la sheegay in uu ku jiro qodob ku saabsan furida dastuurka wallow aan si furan loo shaacin.

Xiisadan ayaa waxay salka ku haysaa muddo xileedka madaxweynaha Puntland kaas oo dhamaanaya Janaayo, 2024 iyadda oo siyaasiyiin ay ku eedeeyeen in hu doonayo muddo kororsi wallow uu beeniyay.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version