MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay Wareegtada lagu magacaabay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxiyadiin iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka Sarreeye Guuto Axmed Aadan Cali.
Taliyeyaasha cusub ayu uku booriyay in uu halkaas ka sii amba-qaadaan dagaalka dalka lagaga xoreynayo dalka Al-Shabaab iyo dib u dhiska Ciidamadda Xoogga Dalka.
Xasan Sheekh ayaa mar kale waxa uu sheegay in dowladiisa ay ka go’an tahay sidii ay guul uga soo hoyn lahayd dagaalka ka dhanka ah dagaalameyaasha Al-Shabaab.
“Xeerkan Madaxweyne ayaa ku dhaqan-galay Maanta oo Isniin ah, 19-ka Juun 2023, saxiixa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud,” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka.
