Home Federaalka Maxaad ka taqaanaa taariikhda munaasabadda 1-dii Luulyo 1960

Maxaad ka taqaanaa taariikhda munaasabadda 1-dii Luulyo 1960

0

MUQDISHO, Soomaaliya – 1-dii Luulyo 1960 waa maalintii gobolada koonfur ee Soomaaliya ay ka xuroobeen gumeysigii Talyaaniga, isla markaana ay la midoobeen gobolada waqooyi, halkaasna ay ku curatey Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Abwaan Cabdulaahi Suldaan Timacade ayaa habeenkaas mariyey gabay caan baxay oo mirahiisu kamid yihiin: “SAREEYOOW MA NUSQAAMOOW, AAN SIDUU YAHAY EEGEE KANA SIIB KANA SAAR”.

1-da Luulyo waa maalintii xornimada laga helay gumeystihii reer galbeedka. Waa maalintii ugu horreysay ee qaranka Soomaaliyeed labo midowday oo hal dawlad ah yeesheen oo horey u ahaa “British Somali land” iyo “Italian Somali Land”.

Waa maalintii hanka Soomaaliyeed kor u kacay oo lagu hammiyey loona hawlgalay in la haleelo qaran Soomaaliyeed oo dhammeystiran. Waa maalintii aan ku heesnay ”Qolobaa calankeedu waa caynoo innaga keennu waa cirkoo kaloo aan caadna laheyn.”

Dadweynaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxay u diyaar garoobayaan xuska 1-da Luuliyo oo ah maalin taariikh qiimo badan u leh ummadda Soomaaliyeed.

Munaasibadahaan waxaa lagu xasuusta xoriyadii Koonfurta Soomaaliya, la midowgii Waqooyiga, iyo dhalashadii Jamhuuriyada Soomaalida markii uu sannadku ahaa 1960.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version