Home Editor's Picks Dalalka Bariga Afrika ee Soomaaliya xornimada uga horeysay

Dalalka Bariga Afrika ee Soomaaliya xornimada uga horeysay

0

MUQDISHO, Soomaaliya – Soomaaliya waxay madaxbannaanida kaga horreysay inta badan dalalkal kale ee Bariga Afrika. Waddamada xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD ee kala ah Kenya, Uganda, Jabuuti, Eritrea iyo Suudaan waxay dhammaantood gobanimadooda heleen Soomaaliya oo ah dal madax bannaan.

Kenya waxay xornimadeeda gumeystihii Britain ka qaadatay 12-kii bishii December ee sannadkii 1963, waxayna Soomaaliya ka dambeysay saddex sano. Uganda waxay madaxbannaanideeda qaadatay bishii October ee sannadkii 1962.

Suudaanta Koonfureed waxay Suudaan inteeda kale ka goosatay bishii Luulyo ee sannadkii 2011. Eritrea-na waxay Itoobiya ka goosatay bishii May ee sannadkii 1991.

Rwanda waxay xornimadeeda heshay 1-dii bishii Luulyo ee sannadkii 1962. Isla maalintaasna waxaa xorowday Burundi oo ka mid ah dalalka ku yaalla Bariga Afrika.

Xornimadii ka dib, Soomaaliya waxay rajo fiican u noqotay guud ahaan dalalka qaaradda Afrika, maadaama ay ku guuleysatay inay fuliso saddex doorasho oo dimuqraaddi ahaa, kuwaas oo dhacay intii u dhaxeysay sannadihii 1959-kii ilaa 1969-kii.

Taasi waxay Soomaaliya ka dhigtay waddankii ugu horreeyay ee Afrika ka tirsan oo ay si nabad ah maamulka dowladda isugu wareejiyaan labo madaxweyne oo rayid ah.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version