LONDON, UK – Boqorka Holland Willem-Alexander ayaa raaligelin ka bixiyay doorkii uu dalkiisa ku lahaa addoonsiga, waxaana uu ku cafis weydiistay hadal uu ka jeediyay xaflad lagu xusayay sanadguuradii ka soo wareegtay markii la baabi’iyay addoonsiga.
Khudbadda boqorka ee Sabtidii ayaa daba socotay raaligelintii ra’iisul wasaaraha Holland Mark Rutte uu dabayaaqadii sannadkii hore ka bixiyay doorka dalkaas ee ganacsiga dadka iyo addoonsiga.
Waa qayb ka mid ah xisaabinta taariikhaha gumeysiga ee reer galbeedka oo sannadihii u dambeeyay ay soo abaabuleen dhaqdhaqaaqa Black Lives Matter.
Addoonsiga waxaa lagu baabi’iyay Suriname iyo gumeysigii Nederland ee Kariibiyaanka bishii Luulyo 1, sanadka markii uu ahaa 1863, laakiin inta badan shaqaalihii la addoonsaday ayaa lagu qasbay inay sii wadaan ka shaqeynta beeraha muddo 10 sano oo dheeraad ah.
