Home DIBADDA Turkiga oo mar kale qad casaan ah u xariiqay dowladda Sweden

Turkiga oo mar kale qad casaan ah u xariiqay dowladda Sweden

0

ANKARA, Turkey – Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa Talaadadii sheegay in ku guul-darreysiga mas’uuliyiinta Sweden ee ka hortaga dibad-baxyo lagu gubayo Qur’aanka kariimka ah ay sare u qaadayso welwelka amniga iyo su’aalo la iska weydiinayo aqoonsiga Sweden ee ku aaddan xubinnimada NATO.

Laakiin, Hakan Fidan wuxuu sheegay in Turkigu uu wali ansixin doono xubinnimada Sweden ee isbahaysiga militariga haddii Stockholm ay “dhammeysato shaqadeeda guriga” oo ay horay u sii wado dadaallada wax looga qabanayo walaacyada Turkiga.

“Xaqiiqda ah in nidaamka amniga Iswiidhishka uusan awood u lahayn inuu ka hortago daandaansiga wuxuuna soo bandhigayaa sawirka [dalka] oo dhibaatooyin u keenaya NATO – halkii ay ka ahaan lahayd awood badan,” ayuu yiri.

Sweden iyo Finland ayaa ka tanaasulay dhex dhexaadnimadooda muddo tobanaan sano ah, waxayna codsadeen in ay ku biiraan NATO sanadkii hore kadib duulaankii Ruushka ee Ukraine.

Turkiga ayaa hakiyay ansixinta xubinnimada Sweden ee isbaheysiga, isagoo ku eedeeyay dalka inuu aad ugu jilicsan yahay kooxaha ay Ankara u aragto inay khatar ku yihiin ammaankeeda, oo ay ku jiraan mintidiinta Kurdiyiinta iyo xubno ka tirsan shabakad ay Ankara ku eedaysay afgambigii dhicisoobay ee xagaagii 2016.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version