MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa wajahaya cadaadis ku saabsan fulinta heshiiskii xukunka loogu kordhiyey Cabdicasiis Laftagareen.
Xasan Sheekh iyo Aadan Madoobe ayaa damiin ka ahaa dhaqan-gelinta heshiiskan kaas oo xeerinaya in November, 2023 ay Koonfur galbeed gasho jawi doorasho.
Heshiiskan ayaa haatan waxa uu ku dhow-yahay in uu dhaco. Hase ahaatee, waxaa muuqanaysa in uusan dhaqan-geli karin sababo ku aadan xukun jaceylka Laftagareen iyo jilicsanaanta Villa Soomaaliya.
Dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo ay wadaan mucaaradka Koonfur Galbeed ayaa cadaadis ku noqdey Xasan Sheekh iyo aadan Madoobe kuwaas oo ka dhaga-fureysanaya fulinta heshiiskii ay saxiixayaasha ka ahaayeen.
Mucaaradka oo abaabul kawada magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa kulamo kala duwan la qaatay wakiilada Beesha Caalamka iyo Xildhibaanada federaalka ah.
Kulamadan ayaa diiradda lagu saarey qorshaha iyo talaabooyinka la qaadi doono haddii la gaaro waqtiga uu dhamaanayo heshiiskan siyaasadeed si lamid ah Koonfur Galbeed heshiis ah iyo doorasho loo dhan-yahay.
Koonfur Galbeed ayaa dib-u-dhac siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho la kulantey shantii sano lasoo dhaafay, waxaana si weyn u kordhay ku xad-gudubka dastuurka, nin-jacleysiga iyo ku tumashadda xuquuqda muwaadiniinta.
