MUQDISHO, Soomaaliya – Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa iska-casilay xilka agaasimaha Madaxtooyadda Soomaaliya, sidda ay Arlaadi Media u shegeeen illo wareedyo lagu kalsoonaan karo.
Illaa haatan, Xuseen ayaan sharaxaad ka bixin sababta dhabta ah uu jagadan u baneeyay. Balse, warar kala duwan ayaa kasoo baxaya ujeedada uu shaqada uga tagay.
Warbixinada qaarkood ayaa tibaaxaya in uu ku biirayo liiska murashaxiinta u taagan xilka madaxtinimada Koonfur Galbeed oo doorashadiisa wali mugdi uu ku jiro.
Xuseen ayaa ahaa mas’uulkii ugu horeeyay ee uu magacaabay madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud markii dib loo doortey 15-ka bishii May ee sanadkan 2023-ka.
Is-casilaadiisa ayaa waxa ay kusoo hagaagaysaa xilli uu gabagabo yahay waqtiga loo qabtey in ay ku dhacdo doorashadda Koonfur Galbeed oo ah November, 2023.
Madaxwayne Xasan Sheekh iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa damaad-qaadeyaal ka ah dhaqan-gelinta heshiiskan siyaasadeed.
Koonfur Galbeed ayaa la kulantey dib-u-dhac siyaasadeed, amni, dhaqaale iyo bulsho shantii sano lasoo dhaafay taas oo ka dhalatay nin jec-leysiga iyo hogaaminta Laftagareen.
