KYIV, Ukraine – Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay weerar oo loo adeegsaday gantaal oo uu Ruushku ku qaaday magaalada Pokrovsk ee bariga Ukraine, sida ay saraakiishu sheegeen.
Afar qof oo rayid ah iyo sarkaal ayaa la dilay, waxaana ku dhaawacmay 31 qof, sida uu ku dhawaaqay wasiirka arrimaha gudaha Ukraine, Ihor Klymenko.
Madaxweyne Volodymyr Zelensky oo qoraal kooban soo saarey ayaa hoosta ka xariiqay in ay jiraan “dhibanayaal” ku waxyeeloobay weerarka, balse ma uusan sheegin tirada.
Weeraradan ayaa yimid maalin kadib markii “bam uu hagayey” Ruushku uu ku dhacay xarun dhiig lagu shubo oo ku taal waqooyi bari Ukraine, halkaas oo uu ku dilay laba qof, sida ay sheegeen saraakiisha Ukraine.
