MUQDISHO, Soomaaliya – Xuseen Sheekh Maxamuud, ayaa Axada maanta ah waxa uu si rasmi ah u xaqiijiyey in uu iska-casilay xilka Agaasimaha Madaxtooyadda Soomaaliya.
Qoraal u uku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee baraha bulshadda ayuu ku caddeeyay in is-casilaadiisa ay salka ku hayso xaaladda Koonfur Galbeed.
“Waxaan sidoo kale garowsanahay in ay lama huraan tahay inaan waqti dheeraad ah siiyo ka shaqeynta danaha dadka iyo deegaanka Koonfur Galbeed,” ayuu raaciyey.
Xuseen oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in uu sii wadi doono la shaqeynta madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.
Dadka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Koonfur Galbeed ayuu waydiistay in ay ku gacan-siiyaan sidii uu u hirgelin lahaa himilooyinkaas uu shaqada uga tagay.
Todobaadyo kahor ayay ahayd markii ay soo shaac-baxdey in uu shaqada ka tagay Xuseen oo kamid ahaa madaxdii ugu horeysay uu magacaabay Xasan Sheekh.
