MUQDISHO, Soomaaliya – Khasaaro badan oo dhimasho iyo dhaawac ayaa laga cabsi qabaa ka gadaal markii Al-Shabaab ay weerar saddex jiho ah ku qaadey saldhiga ciidamada dowladda ee degaanka Awdheegle gobolka Shabeellaha Hoose.
Illo madax-banaan waxa ay tibaaxayaan in weerarka lala eegtey saddex xero ciidan oo ku kala yaalla saddex jiho oo gudaha degmadda Awdheegle ah uuna ku bilowday madaafiic nooca garbaha laga gano.
Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa ku warantey in ay “cagta marisay xeradda ayna dishay askar badan” balse taliska milatariga wuxuu xusay in ay iska-caabiyeen falkaas ayna ciidamaddu “laayeen tobanaan xubno badan Al-Shabaab ah”.
Ma jiraan illo madax-banaan oo xaqiijinaya sheegashadda labada dhinac. Weerarkan waxa uu imaanayaa xilli dalka ay ka socdaan howlgalo looga soo horjeedo Al-Shabaab.
Awdheegle oo caan ku ah beeraha isla markaana hoostagta maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay magaala madaxda dowladda Soomaaliya ee Muqdisho u jirtaa qiyaastii 84 KM waxaana ay kaga beegan tahay dhanka Galbeedka.
