MUQDISHO, Soomaaliya – Ciidamadda dowladda Soomaaliya ayaa gudaha u galay degmadda Ceel Garas ee gobolka Galgaduud, sidda ay ku warantey warbaahinta dowladda.
Sidda laga soo xigtey saxaafadda dowladda, ciidamadda ayaa bilaabay howlgalo ay “ku cirib-tirayaan khataraha suurtagalka ah in ay wali ka jiraan gudaha magaaladda”.
Ceel Garas ayaa u dhow tuuladda Oodwayne halkaas oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn Mareykanka ay duqeyn ka geysteen ayna la beegsadeen xubno Al-Shabaab.
La wareegida ciidamadda ee Ceel-Garas ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli dib-u-habeyn lagu sameeyay hogaanka howlgalada si weynna loo awood-siiyey dadka degaanka.
