Home Federaalka Xildhibaano lagu dilay qarax miino oo ka dhacay Galmudug State

Xildhibaano lagu dilay qarax miino oo ka dhacay Galmudug State

0

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Labo Xildhibaan ayaa lagu dilay qarax miino oo Isniinta maanta ah ka dhacay degmada Ceel-Garas ee gobolka Galgaduud, sidda ay ku warantey saxaafadda.

Marxuumiinta ayaa waxa ay kala yihiin Maxamed Maxamuud Axmed oo loo yaqaaney Maxamed Yarre kana tirsanaa baarlamaanka Galmudug iyo Cabdullaahi Ibraahim Shaaciye oo kamid ahaa xubnaha golaha degaanka magaaladda Dhuusamareeb.

Illaa haatan, ma cadda fahfaahinta qaabka uu u dhacay qaraxa miinadda ah. Wali ma jirto koox si rasmi ah dusha u saaratay mas’uuliyadda weerarkan.

Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor] ayaa waxa uu tacsi u diray eheladda iyo qoyska ay ka baxeen marxuumiinta.

Qaraxan ayaa waxa uu kusoo hagaagayaa xilli ciidamadda dowladda ay maanta galeen degmadda Ceel Garas oo u dhow degaanka Oodwayne halkaas oo dhowaan duqeymo ay ka dhaceen.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version