Home Federaalka Howlgalka ATMIS oo fahfaahin ka bixiyey weerar ka dhacay iridka Madine Gate

Howlgalka ATMIS oo fahfaahin ka bixiyey weerar ka dhacay iridka Madine Gate

0

MUQDISHO, Soomaaliya – Howlgalka ATMIS ayaa xaqiijiyey weerar loo adeegsadey mindi Axadii todobaadkan ka dhacay iridka Madiina Gate ee caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

War-saxaafadeed kasoo baxay ATMIS ayaa lagu caddeeyay in hal askari uu ku dhaawacmay falkaas kaas oo tooreyda looga dhuftey qoorta, caloosha iyo garabka.

Bayaanka ayaa lagu xusay in nin dabley ah uu ka dambeeyay falkaas isla markaana ay toogasho ku dileen ciidamadda ka gadaal markii uu ku kacay falkaas.

Ninka hubeysan ayaa lagu waramay in uu isku-dayay in uu xoog ku dhaafo albaabka oo ah mid kamid ah marinada ugu muhiimsan ee xerada Xalane.

Illaa haatan, ma jiro wax war ah oo ku saabsan dhacdadan oo kasoo baxay Dowladda federaalka Soomaaliya.

Xerada Xalane ayaa waxa ay hor u tahay howlgalka ATMIS, xafiisyadda Qaramada Midoobay iyo dhamaan safaaradaha reer galbeedka ay ku leeyihiin magaala madaxda Soomaaliya.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version