NAIROBI, Kenya – War-murtiyeed ayaa laga soo saarey shirkii magaalada Nairobi uga socdey siyaasiyiinta ugu culus maamulka Koonfur Galbeed.
Bayaanka oo ka kooban saddex bog ayaa looga hadlay arrimaha siyaasadda, heshiiskii Baydhabo iyo la dagaalanka Al-Shabaab.
Siyaasiyiinta ayaa taageero u muujiyey dagaalka dowladda federaalka ay kula jirto kooxda Al-Shabaab.
Dowladda federaalka ah ayay ugu baaqeen in ay qaadato mas’uuliyadda uga aadan fulinta heshiiskii Baydhabo.
Dhismaha Guddiga xulista Baarlamaanka 3aad ee Koonfur Galbeed ayay ku baaqeen uuna noqdo mid la isla ogol yahay.
Ciidamadda Koonfur Galbeed iyo ATMIS ayay uga digeen ku milanka arrimaha siyaasadda xilliga kala guurka ee doorashada.
Shacabka Koonfur Galbeed ayay ugu baaqeen in ay qaybqaataan xoreynta degaanada gacanta ugu jira Al-Shabaab.
Ugu dambeyn, Beesha Caalamka ayay ka codsadeen in ay gacan ka geystaan qabashada doorasho hufan oo dimuqraadi ah.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA
