Home Federaalka Dab khasaaro geystay oo ka kacay degaan laga qodo dahabka

Dab khasaaro geystay oo ka kacay degaan laga qodo dahabka

0

MUQDISHO, Soomaaliya – Khasaaro u badan mid hantiyadeed ayaa ka dhashay dab xooggan oo cagta mariyay degaanka Milxo oo ka tirsan maamul goboleedka Puntland.

Si dhab ah looma ogga, sababta dhabta ah ee keentay dadkan oo lagu waramay in uu bilowday kadib salaada subax islamarkaana uu soo gaarey illaa barqadii Khamiista maanta ah.

Qaar kamid ah dadka degaanka oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah waxa ay sheegeen in aysan helin gurmad degdeg ah gaar ahaan dab-damis ayna taas sii kordhisay khasaaraha.

Ma jiro wax war ah oo maamulka Puntland uu illaa haatan kasoo saarey dabkan oo imaanaya xilli isbadalka cimilada ay sidaan oo kale dab ka kicisay goobo kala duwan.

Milxo ayaa waxa ay caan ku tahay qodashadda macdanta iyo dahabka, waxaana ay kaabiga ku haysaa buuraha Calmadow halkaas oo fariisin u ah kooxda Al-Shabaab.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version