Home Federaalka Madax ka badbaadey qarax ismiidaamin oo ka dhacay Galmudug

Madax ka badbaadey qarax ismiidaamin oo ka dhacay Galmudug

0

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan laba qof ayaa la xaqiijiyey in ay ku dhaawacmeen qarax loo maleynayo ismiidaamin oo ka dhacay degaanka Laas Gacmey ee Galmudug State.

Labada ruux ee waxyeelada soo gaartey ayaa lagu kala sheegay Xildhibaan iyo Senator. Sidoo kale, dhimasho iyo dhaawac kale oo soo gaartey askar ayaa lasoo sheegayaa.

Weerarkan ayaa sidoo kale waxa uu burbur xooggan u geystay guri ku dhex-yaalla xero ciidan kaas oo ay deganaayeen madaxwayne Qoorqoor iyo mas’uuliyiin Xildhibaano u badan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Cabdi Qaydiid iyo Dhabancad ay kala yihiin mas’uuliyiinta ay waxyeeladda dhaawaca ah kasoo gaartey weerarkan.

Ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay mas’uuliyadda falkan. Balse, dhacdooyinka noocaan ah waxaa looga bartey dagaalameyaasha Al-Shabaab.

Tuuladda Laas Gacmey ayaa waxa ay u dhaxeysaa magaalooyinka Bacaadwayn iyo Wisil halkaas oo ay dhowaan gaareen mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda federaalka ah.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version