Home Federaalka Labo Xildhibaan oo ku dhaawacmay qarax ismiidaamin

Labo Xildhibaan oo ku dhaawacmay qarax ismiidaamin

0

MUQDISHO, Soomaaliya – Labo Xildhibaan ayaa ku dhaawacmay qarax ismiidaamin oo Jimcaha maanta ah ka dhacay bartamaha Soomaaliya.

Mudaneyaasha ayaa waxa ay kala yihiin; Cabdisalaam Xaaji Dhabancad iyo Cabdi Xasan Cawaale [Qeydiid]. Dhabancad ayaa waxyeeladda ay kasoo gaartey gacanta halka Qeydiid uu ka dhaawacmay dhanka madaxa.

Saraakiil ayaa u sheegay Arlaadi Media Network in xubnahan ay ku dhaawacmeen markii uu kusoo dumay guri ay ku jireen. Burburka guriga oo sidoo kale uu deganaa madaxwayne Qoorqoor ayaa la sheegay in uu ka dhashay qaraxa oo cuslaa

Weerarkan oo aysan jirin koox wali sheegatay ayaa ka dhacay degaanka Laas Gacmey oo u dhaxeeya Wisil iyo Bacaadwayn. Qaraxan ayaa imaanaya xilli degaano ka tirsan Galmudug ay ka soconayaan howlgalo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version