MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtey in ay baaritaan ku bilowday duqeyn la sheegay in ay shacab ku dhinteen oo dhacdey 6-dii Bishan September, 2023.
Howlgalkan dhanka cirka ah ayaa waxa uu ka dhacay degaanka Ceel Lahelay ee gobolka Galgaduud.
Wasiirka warfaafinta, Daa’uud Aweys oo la hadla VOA-da, ayaa waxa uu caddeeyay in aysan hubin haddii ay run tahay sheegashada ah in rayid ay waxyeelo soo gaartey.
“Dowladda ay soo gaareen wararka ku saabsan in rayid la waxyeelaayay balse ma xaqiijin karno illaa baaritaanka lasoo gabagabeeyo,” ayuu kusoo koobay.
Balse, taliska AFRICOM oo war qoraal ah soo saarey ayaa xaqiijiyey in shan qof shacab ah ay ku dhinteen duqeyntaas balse ma caddeyn haddii magdhow ka bixinayaan.
Howlgalkaas ayaa lagu beegsaday xubno sarre oo ka tirsanaa Al-Shabaab kuwaas oo tiradooda lagu sheegay saddex kalana ah; Ciise Barre, Colaad Cali Guuleed iyo Shuuke Cali Dheeg.
