KIGALI, Rwanda – Nin 71 jir ah ayaa dad badan ka yaabiyay ka dib markii uu sheegay in ka badan 50 sano uusan toos u arag qof dumar ah.
Odaygan u dhashay Rwanda ayaa bilaabay in uu isku xirro guriga isaga oo 16 jir ah ilaa iyo hada uu 77 jir ah.
“Sababta aan isku soo xiraya guriga waa in aysan dumar ii soo dhowaan waayo cabsi badan ayay igu abuuraan,” ayuu yiri.
Haweenka deriska la ah ayaa tibaaxay in qaar badan oo iyaga kamid ah ay is ku dayeen in ay caawiyan balse ka diidey.
“Mar walbo cuntada waxa u dhignaa bananka gurigisa, maxaa yeelay ma rabo in aan u dhawaanno,” ayee tiri haweeney qoyskiisa ah.
Arinta la yaabka leh ayaa ah in ninku uu sameeyo wax kasta oo qofka caadiga ah uu ku sameyn karo gurigiisa, sida suuliga, jikada, iyo waliba guryo.
