MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxdii hore ee Soomaaliya oo isugu jira madaxweyneyaal, ra’iisul wasaareyaal, gudoomiyeyaal baarlamaan iyo siyaasiyiin kale ayaa soo saarey qoraal.
Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayay ku eedeeyeen inuu qaaday talaabooyin hal dhinac ah, faragelinta baarlamaanka iyo doorashooyinka maamulada.
Sidoo kale, siyaasiyiintan ayaa madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud waxay ugu baaqeen inuu ka fogaado talaabooyinka kala qeybinaya dalka.
HOOS KA AKHRISO NUXURKA BAYAANKA
Waxaa nasiib-darro ah in Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud uu isku dayo sidii uu go’aan kalligiis ah uga gaari lahaa masiirka dalka, kuna tallaabsado siyaasad kala qaybinaysa dadka Soomaaliyeed xilli loo baahan yahay in dalka lagu mideeyo laddagaallanka argagixisada.
Waxaan shacabka Soomaaliyeed ku war gelinaynaa in aan marnaba la aqbali doonin in dalka lagu hoggaamiyo talo aan loo dhammayn una horseedaysa dalka iyo dadka Soomaaliyeed qalalaase iyo kala qoqobnaan.
Madaxwaynuhu go’aan kama gaari karo qaab fulineedka doorashooyinka dalka ee waa in ay talo ku yeeshaan dhammaam saamilayda siyaasadda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada si waafaqsan shuruucda dalka.
Waxaan Madaxwaynaha ugu baaqaynaa in uu joojiyo faragelinta joogtada ah ee uu ku haayo hay’adaha sharci-dejinta dalka una madax banneeyo howsha loo igmaday.
Waxaan ugu baaqaynaa kuna boorrinaynaa Baarlamaanka Soomaaliyeed in ay gutaan mas’uuliyaddii loo igmaday loona soo doortay, dhowraanna Dastuurka, shuruucda dalka iyo xeer hoosaadka Baarlamaanka.
Hadalka mucaaradkan ayaa waxa uu kusoo aadayaa xilli ay qeybo kamid ah dalka ka socdaan dabaylo siyaasadeed kuwaas oo looga soo horjeedo muddo kororsiga qaar kamid ah madaxda maamuladda.
