MUQDISHO, Soomaaliya – Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa waxa ay ka digtey in muddo kororsi laga sameeyo Koonfur Galbeed iyo Jubaland iyadda oo aan loo dhameyn.
Catriona Laing oo khudbad ka jeedisay kulan ay yeesheen xubnaha Golaha Ammaanka UN-ka ayaa waxa ay tibaaxdey in talaabadan ay dhaawaceyso xasiloonida waddanka.
Laing oo hadalkeeda sii wadata ayaa waxa ay hoosta ka xariiqdey in dastuurka aan waxba looga badali karin talo aysan u dhameyn guud ahaan shacabka iyo siyaasiyiinta Soomaaliya.
“Waxaa xiisado ka dhashay muddo kororsi ay ka jiraan dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Jubaland. Waxaan sii adkeynayaa in dhammaan wax-ka-beddelka dastuurka, oo ay ku jiraan go’aanka muddo-kordhinta, ay ku saleysnaadaan wada-hadal loo dhan yahay, is-afgarad iyo habab sharci-dejineed,” ayay hoosta ka xariiqdey.
Hadalkan ayaa waxa uu kusoo beegmayaa iyadda oo hogaanka dowladda federaalka uu ku fekerayo inuu go’aan hal dhinac ah ku badalo qodobo masiiri ah oo kamid ah dastuurka dalka.
Koonfur Galbeed iyo Jubaland waa maamulada kaliya ee uu ka dhamaadey muddo xileedka madaxda haatan xilka u haysa kuwaas oo maagan in ay kursiga kusii joogaan qaab xoog ah.
