Home Federaalka Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu soo dhaweeyay Xudur

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu soo dhaweeyay Xudur

0

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo Madaxweynaha heshiiska ku jooga Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa gaaray degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool, halkaas oo ay si heer sare leh ugu soo dhaweeyeen qeybaha kala duwan ee bulshada.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku saleysan dardar gelinta qorshaha wajiga labaad ee howlgallada dalka looga xoreynayo Al-Shabaab oo dhawaan ka bilaaban doona deegaannada ay go’doomiyeen ee Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxda wehelisay ayaa kulammo la qaadanaya waxgarad, dhallinyarada iyo guud ahaan bulshada degmada Xudur, si ay u dhageystaan baahiyahooda iyo doorka kaga aaddan wajiga labaad ee halganka xoreynta dalka.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version