Home Federaalka Ra’iisul Wasaare Xamse oo gaarey degmada Doolow ee Gobolka Gedo

Ra’iisul Wasaare Xamse oo gaarey degmada Doolow ee Gobolka Gedo

0

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa kormeer uu ugu kuur galayo xaaladda binu aadantinimo ee ka dhalatay roobabka daadadka wata ee ka da’ay qeybo kamid ah gobollada dalka, waxa uu ku tagey degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Xamse ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee degmada Doolow ku soo dhaweeyey Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland,  Maxamuud Sayid Aadan, masuuliyiin ka tirsan dowlad-goboleedka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Doolow.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version