Home Federaalka Ciidamo dab qabadsiiyay beero ku yaalla magaaladda Baydhabo

Ciidamo dab qabadsiiyay beero ku yaalla magaaladda Baydhabo

0

BAYDHABO – Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in dab la qabad-siiyay beeraha Boonkaay ee magaalada Baydhabo ee caasimada ku meelgaarka Koonfur Galbeed.

Illo degaanka ah ayaa u sheegay Warteelka Arlaadi in falkan ay ka dambeeyeen ciidamo wata dareeska maamulka Koonfur Galbeed kuwaas oo loo bixiyay magaca “Maqaar-siib”.

Lama soo sheegin wax khasaaro nafeed ah oo soo gaarey dad shacab ah wallow markii horaba lagu qasbay in ay gabi ahaanba ka baxaan aagga ay wax ka dhaceen.

Xaalada ayaa haatan ah mid kacsan kadib markii ciidamadda ay fariisomo ka sameysteen degaankaas ayna dadka shacabka ah barakicinayaan si aysan ugu soo noqon dhulkooda.

Dhacdadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa iyadda oo shacabka ay la daalaadhacayaan sidii ay noloshooda u maareyn lahaayeen ka gadaal daadka ka dhashay roobabka xoogan ee El Nino.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version