Thursday, August 27, 2026

Hal qof oo ku dhintay diyaarad ku burburtay garoonka Ceelbarde

Share

BAYDHABO – Ugu yaraan hal qof ayaa lagu waramay inuu ku dhintay shil diyaaradeed oo Khamiista maanta ah ka dhacay magaalada Ceelbarde ee gobolka Bakool.

Diyaaradda ayaa lagu waramay in ay wadday gargaar bini’aadantinimo. Lama ogga sababta dhabta ah ee keentay shilka. Sidoo kale, maamulka wali ma uusan hadlin.

Shilkan ayaa waxa uu imaanayaa xilli  garoomada diyaaradaha degaanada Koonfur Galbeed ay wajahayaan dayactir la’aan una baahan yihiin in degdeg loola tacaalo.

Read more

Local News