MUQDISHO – Dadaal diblumaasiyadeed oo ay Kenya iyo Jabuuti ku doonayeen in ay ku xaliyaan khilaafka u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa fashil kusoo dhamaaday.
Illo wareedyo ayaa Arlaadi Media u sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay magaalada Nairobi ku sugnaayeen wakiilo ka kala socda Soomaaliya iyo Itoobiya.
Balse mas’uuliyiinta labada dal ayaanan kulmin ama ma yeelan wada hadal toos ah.
Xogtu waxay sheegeysaa in mowqifka Soomaaliya uu ahaa mid cad uuna ahaa in aysan jiri doonin wada hadal toos ah illaa Itoobiya ka laabaneyso Is-afgaradkaas “Sharci-daradda”.
Natiijo la’aanta uu kusoo dhamaadey kulankan ayaa waxa ay waji gabax ku tahay Itoobiya oo aad isugu dayeysa in ay wadahadal la gasho Soomaaliya si xiisada loo dajiyo.
